Wargayska caanka ah ee The Economist oo kasoo baxa wadanka Ingiriiska ayaa maqaal dheer ka qoray arimaha Itoobiya ee murugsan.

Wargayska ayaa maqaalkiisa xooga kusaaray arimaha xuquuqul insaanka ee wadanka Itoobiya taas oo wargaysku uu xusay in nooc kasta oo cabudhis ah uu kajiro wadanka Itoobiya.

Joornaalka oo sanadkiiba mar soosaara warbixin mug leh oo uu xooga kusaaro wadamada xaalkoodu murugsan yahay ayaa warbixintiisa sanadkan ku ifiyay xaaladaha aan xalka laga sugaynin ee kataagan wadanka Itoobiya.

War gayska The Economiset ayaa warbixintiisa ku faahfaahiyay sida ay xukuumada wayaanuhu u cabudhiso shacabka ku hoos nool kuwaas oo mudo sanad ah dhibanayaal u ah xukuumada kali taliska ah ee gumaysiga Itoobiya.

Dhinaca kale wargayska The Economiset ayaa tilmaan kabixiyay fursadaha laheli karo ee xaaladaha murugsan ee Itoobiya lagu soo afjari karo iyo cida xalkaas gaadhi karta.

Ma aha markii ugu horaysay ee wargays ama siyaasi caan ah uu kahadlo arimaha Itoobiye hase yeeshee kooxda macangaga ah ee TPLF ayaan dhag jalaq usiinin dhamaan soojeedinta dadka wax fahansan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay