Waxaa shalay oo jimce ahayd taariikhduna ay ku beeg nayd 27/01/2017 kulan koodii caadi aha isugu yimid jaaliyada Ogadeniya sucuudiga gobolka sharqiya gaar ahaana magaalada Damaam kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka iyo xubnaha jaaliyada sido kale waxaa kasoo qayb galay Isku duwaha  Jabhada u qaabilsan bariga dhexe  mudane Cabdulaahi Ciraaqi.

Kulan kan ayaa wuxuu ahaa mid wadatashi ah iyo wacyi galin ah waxaana ka hadlay masuuliyiinta iyo xubnaha jaaliyada Iskuduwaha jabhada u qaabilsan bariga dhexe Halgame Cabdulaahi Ciraaqi ayuu wuxuu ka jeediyay goobta qudbad dheer wuxuuna dhalin yarada ku baraarujiyay inay yihiin laf dhabartii halganka loona baahan yahay in ay gumaysiga meel ugasoo wada jeed sataan la is kuna duub naado.

Sidoo kale waxaa ka hadlay shirka gudoomiyaha jaaliayada faraca Damaam mudane Ibraahim Daqare waxaa sidoo kale ka hadlay afhayeen jaaliyada Ogadeniya faraca Sharqiya mudane khadar maslax caamir oo asaguna dhankiisa ku nuux nuux saday inay lama taab taan tahay xoriyada shacabka Ogadeniya.

Shirkan ayaa gabagabadii kusoo dhamaaday si guul ah waxana la isku afgartay in kor loo qaado wacyi galinta iyo abaabulka bulshada.

ONA/Damaam

IMG-20170128-WA0016 IMG-20170128-WA0015 IMG-20170128-WA0013 IMG-20170128-WA0014 IMG-20170128-WA0012 IMG-20170128-WA0011 IMG-20170128-WA0010

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay