War dag dag ah oo hada soo gaadhay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa sheegaya dagaal xoogan oo Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia (CWXO)iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex maray wadanka Ogadenia.

Warkan oo aan ka helay Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa sheegaya in cutub katirsan ciidanka wadaniga xoraynta Ogadenia ay weerar ku qaadeen ciidan uu wayaanuhu leeyahay oo kusugnaa duleedka Dagmada Baabili.

Dagaalkan oo maanta oo Sabti ahayd dhacay ayaa laysku fara saaray deegaanka Babaase oo Dagmada Baabili katirsan waxaana lasheegayaa in ciidanka wayaanaha lagaga dilay 5 askari halka inkabadan 7 kalana lagaga dhaawacay.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee xooga kujooga wadanka Ogadenia ayaa sare uqaaday gumaadka iyo dhibaataynta shacabka Soomaalida Ogadenia si ay umeel marsadaan rabitaankooda gumaysi ee guracan. Dhinaca kale CWXO ee utaagan xoriyad gaadhsiinta shacabka Soomaalida Ogadenia ayaa wacad kumaray in ay u aar gudi doonaan shacabka dulman ee ree Ogadenia.

 

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay