Maanta oo Sabti ahayd waxaa xerada Ifo kulan kuyeeshay laamaha ururka OYSU ee Gobalka W/bari Kenya sida Garissa,Xagardheer, Ifo iyo Dhagaxley.

Kulankan oo ahaa mid ay siwada jir ah usoo agaasimeen hawlwadeenada ururka ee lamahaasi ayaa waxaa kasoo qayb galay ergooyin kala duwan oo ka kala yimid faracyada uu ururku kadhisan yahay ee kor kuxusan iyo marti sharaf kale oo kamid ah hay’adaha kale ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Muhiimada kulanka loo qabtay ayaa ahayd sidii sare loogu qaadi lahaa shaqada ururka iyo in lala jaanqaado Xoghayaha cusub iyo gudidiisa waxaan kulanka lagu doortay xidhiidhiyaha Bariga Africa ee ururka OYSU.

Shirka oo ahaa mid si nidaamsan kusocday ayaa kusoo dhamaaday guul kunasoo gabagaboobay wakhtigii loogu talagalay oo hal maalin ahayd waxaana kulanka khudbado muhiim ah kajeediyay mas’uuliyiin kala duwan.

Cabdulahi Yare

ONA Ifo.

IMG-20170128-WA0081

IMG-20170128-WA0079

IMG-20170128-WA0078

IMG-20170128-WA0077

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay