Xoghayaha Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda Britian Pritu Patel oo booqasho gaaban ku timid magaaladda Muqdisho ayaa yaboohan ku dhawaaqday ka dib markii ay la kulantay Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari iyo ku xigeenka xoghayaha qaramada midoobay Peter De Clercq.

Waxay masuuliinta ka wada hadleen xaalada bani’aadanimo iyo dhibaatada ka dhalalatay abaaraha, waxay kaloo ka wada hadleen arrimaha doorashadda madaxweynaha Soomaaliya. Lacagta ay ku yaboohday dowladda Britian ayaa lagu wareejin doonaa hay’adaha WFP, Unicef iyo Hay’ada Beeraha ee FOA, waxaana loo adeegsan doonaa in cunnooyin, adeegyo caafimaad iyo waxyaabaha kale asaasiga lagu gaarsiiyo dadka abaaruhu saameeyeen.

Dhinac kale, dowladda Britian waxay kaloo ballanqaaday inay sii wadayaan taageeradii maaliyadeed ee ay siin jireen ciidamadda midowga afrika ee ka howgala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Boqortooyada Britian waxay ka mid tahay wadamada deeqda ugu badan siiya Soomaaliya, waxayna afartii sanno ee la soo dhaafay ay bixisay lacag ka badan 200 milyan oo dollar, taasi oo loo adeegsaday arrimaha bani’aadanimada iyo barnaamijyada dib u dhiska dowlanimada Soomaaliya.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay