Warbixin sanadle ah oo ay soo saartay hay’ada caalimaga ah ee Transparency International ayaa lagu sheegay in xukuumada Itoobiya ay tahay mida ugu musuq maasuqa badan wadamada aduunka.

Hay’ada ayaa warbixin sanadeed keeda kusheegtay in ay baadhitaan kusameeyeen heerka musuq maasuq ee dowladaha aduunka waxayna hay’adu kaalinta ugu liidata kusoo qortay Itoobiya.

Hay’ada ayaa warbixin teeda kusheegtay in musuq maasuqa Itoobiya uu kajiro dhamaan laamaha dowlada sida Wasaaradaha, Madaxda xafiisyada, Madaxda Gobolada, Ciidamada, Baarlamaanka iyo xafiiska Raysal Wasaaraha.

Heerka Corroption ka ee Itoobiya ayay hay’adu farta kufiiqday in uu marayo meel aan waxba laga qaban karin waxaana war bixinta lagu xusay in uu kubaahay hay’adaha dowlada oo meel kabadbaaday aysan jirin.

Musuqa baahay ee Itoobiya ayaa tilmaan u ah ifafaalaha burburka xukuumada wayaanaha taas oo labadii sano ee ugu dambaysay magac ahaan uun udhisnayd balse muduq baahay iyo dagaalo ay naafeeyeen.

Dhinaca kale waxaa meeshii ugu xumayd maraya abaaro ka dhashay musuq maasuqa kajira hay’adaha kala duwan ee xukuumada wayaanaha waxayna abaaruhu samaayeen malaayiin dadka ay xukuumada wayaanuhu gumaysato ah.

Sikastaba ha ahaatee waxaa marag madoonta ah musuq maasuqa ( Corroptins ) kajira dhamaan laamaha kala duwan ee xukuumada siiburburaysa ee wayaanaha waxaana arimahan si furan uga hadlay hay’adaha caalamiga ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay