Ciidanka Wadddaniga Xoraynta Ogaadeenya ayaa qaaday weeraro u badan dagaal habeenimo  bishan aan ku jiro ee Dec. Dagaaladan oo ujeedooyin kala duwan lahaa oo islamarkaana lagu galinayo khalkhal nafsi ah ayaa laga soo wariyay ilo-wareedyo ku dhex jira in si fiican looga gaadhay hadafkii laga lahaa, iyadoo dhanka kalena loogu gaystay khasaare nafeed.

Ciidanka Wadddaniga Xoraynta Ogaadeenya oo yeeshay hadda xirfad dagaal oo aad u sareysa ayaa siyaaba kala duwan u weeraya ka dib markii ay ciidamada Wayaanuhu iyo maleesiyaadka la socda ay gaadheen meeshii ugu hoosayay mooraal xumada iyadoo khasaare xoogan ay kala kulmaan dagaalada ay la galaan ciidamada jabhada.

Warbixinta aan ka helnay Xarunta dhexe ayaa waxay dagaaladaasi u dhaceen sidan;

2/12/2011  dagaal ak dhacay Galaalshe waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 2 askari waxaana lagaga dhaawacay 3 kale

4/12/2011 dagaala ka dhacay  Xabaasha Shariif oo ku dhaw  tuulada Wijiwaaji ciidanka cadawga lagaga dilay  1 sakari mid kalena waa lagag dhaawacay

6/12/2011 dagaalka  ka dhacay  Qolqoldheer oo ka tirsan degmada   SHaygoosh waxaa ciidanka cadasga lagaga dilay 2 askari waxaana lagagag dhawaacay 3 kale

8/12/2011 dagaal mir ah oo  ka dhacay  Dacawo-dhacday oo u dhaw tuulada Galadiid ee degamada qabri dahar waxaa  ciidanka cadaewga lagaga dilay  2  askari tiro kalana waa lagaga dhaawacay.

10-11/12//2011 dagaalo ka dhacay  Saruur oo ka tirsan degmada Baabili waxaa ciidamada cadawga lagaga  dilay 3 askari  6 kalena waa lagaga dhaawacay

11/12/2011 dagaal ka dhacay   Huraale  iyo Gunburka cali carbeed   oo kawada  tirsan degmada  Dhagaxbuur waxa ciidanka wayaanaha lagaga dilay    2 askari  waxaana lagaga dhaawacay 3 kale .

13/12/2011 dagaal ka dhacay  Hareerikaladhacay oo  ka tirsan degmada  Wardheer waxaa ciidamada cadawga lagaga dhaawacay  3 askari

15/12/2011 dagaal ka dhacay  Gosolalay  oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur waxaa cidamada cadawga lagaga dhaawacay   4 askari

14/12/2011 dagaal ka dhacay   Burmadaha  waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay    3 askari  5 kalena waa lagaga dhawaacay

16/ 12/2011 dagaalka  Ritti-cade  oo ka tirsan   Haarcad  waxaa ciidanka cadawga  lagaga dilay 3 askari  waxaana lagaga dhaawacay 4 kale

9/12/2011 dagaal ka dhacay  Taanoole oo ka tirsan degmada Danood waxaa ciidanka cadawga  lagaga dilay  hal askari midkalana waa lagaga dhawaacay.

Waxaaa kale oo jira dagaalo mir ah oo ka dhacay deegaanada kala ah  Horahawd, Fariiqyada, Galaalshe, Jabhadi fuushay, Wijiwaaji, Raadqooye, Quman, Xuub caaro, Faasatobooye, Yooco, Shaygoosh, Budhle, Karika solo, Qudhac raamoole iyo Ritti cade. Dagaaladan oo ahaa dhamaan weera habeenimo ayaa cadawga loogu gaystay khasaare kala duwan  iaydoo ay adag tahay in faahfaahin rasmiya laga helo  maadaama uu qarsanayo waxyeelada soo gaadhay

18/12/ 2011 waxaa isku dhacay ciidamada cadawga ee deggan magaalada Shaygoosh  ka dib markii uu soo kala dhex galay muran ku saabsan in la  baxo kaas oo ay ka horyimaadeen  qaar ka mida ciidankii  waxaanse si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay khilaafkaa

Sidoo kale Baabuur  ay saaraayeen ciidanka hawaarinta  ayaa waxaa rasaas ooda kaga qaaday isla qolo kale oo hawaarin ah waxaana la sheegayaa inuu jiro kasaare dhimasho iyo dhaawac ba leh.

MSH/ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay