Maanta oo Axad ahayd taariikhduna ay ku beegnayd 29/1/17 waxaa xerada qoxootiga Ifo ee deegaanka Dhadhaab ka dhacay shirkii caadiga ahaa ee ururka OYSU faraciisa Ifo.

Shirka oo ahaa mid ay soo xaadireen inta badan xubnaha OYSU Ifo iyo marti sharaf kale ayaa qabsoomay abaare 2:00 duhurnimo xiliga Dhadhaab wuxuuna kulanku kubilowday si habsami ah.

Kulanka ayaa sidii caadiga ahayd lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah waxaana wacdiga maanta diirada lagu saaray waajibaadka diiniga ah ee saaran qofka wadankiisii dulmi lagu haysto. Sidoo kale waxaa kulanka lagu qaadaa dhigay qodobo dhowr ah oo halganka iyo hayaanka lagu jiraba dan u ah waxaana laysla gartay dhamaan qodobadii ajandaha shirka ahaa.

Gabagabadii kulanka ayaa lagaga dooday sidoo kor loogu qaadi lahaa shaqada OYSU Ifo utaala oo aad ubadan waxayna dhalintu kala qaybsadeen shaqada taagan ee loobaahan yahay in la qabato isla hadaba.

IMG-20170129-WA0003 IMG-20170129-WA0004 IMG-20170129-WA0005 IMG-20170129-WA0006 IMG-20170129-WA0007 IMG-20170129-WA0008

Cabdulaahi Yare
ONA Ifo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay