Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogadeniya ayaa waxay sheegayaa in hawaarin badan oo kamid ahaa ciidanka Wayaanaha ay ka bax sadeen waxaana naloo xaqiijiyay in todobaad kii ina dhaafay ay 13 hawaarin u bax sadeen dhankaas iyo gudaha jamhuuriyada Somaliya.

Dhalinyaradan ka baxsatay gumaysiga ayaa waxay u adkaysan waayeen xasuuqa lagu hayo shacabkooda waxaa kale oo dhalin yaradu sheegeen in gumaysiga Itoobiya uu damacsan yahay inuu u daabulo buuralayda itoobiya iyo waliba gobolka oromiya.

Ciidanka wayaanaha ayaa waxaa soo gaadhay mooraal jab wayn waxaana marba marka ka danbaysa sii badan haya baxsad ciidamada hawaarinta iyo kooxaha dabaqoodhiga ah ee ku sugan magaalada jig jiga.

Gumaysiga Itoobiya ayaa la daalaadhacaya mudaaharaado iyo kacdoono waxaana intaas usii dheer abaaro dabadheeraaday oo haatan ka jira gudaha gumaysiga Itoobiya.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha kala soco ONA.

ONA/Ogadeniya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay