Waxaa Shir  isugu yimid magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka  Qawmiyadaha  Isbahaysiga Shacabka ee Xoriyada iyo Dimuqraadiyada (PAFD ee ka soo horjeeda nidaamka ku dhisan gumaysiga  ee ay ku hayso xukuumada wayaanuhu shucuubta kala duwan ee ku hoos dulman.

Waxaa warbixin ku saabsan xaalada uU Isbahaysigu marayo ka soo jeediyay shirkan Mudane Cabadiraxmaan Sh Mahdi & Mudane Xasan Macallin oo labaduba ka tirsan Gudiga Fulinta ee Isbahaysiga PAFD. Dhanka kale waxaa sidoo kale ka hadlay ujeedada ururka OLF iyo ururka GPLM, Marwo Samiyaha Osman iyo Mudane Ochello.

Masuliyiinta shirkan ku kulantay waxay si waafi ah uga hadleen sidii uu ururka PAFD u guulaysan lahaa in aan kawada shaqayno, balan qaad dhab ah iyo waajibaadka inaga saaran shacabkeenana waa in  aynu ka dhabayno. Isku soo wada duuboo Shirkii waxaa ka soo baxay ama la isku afgartay qodhobo dhawr ah.

  • Shirku waxa u canbaareeyay Dagaalka u gumaysigu ka hurinayo shacabka walaalaha ah ee Soomalida & Oromada ah.
  • In loo midoobo sidii si wadajir ah loola dagaalami lahaa gumaysiga.
  • Midaynta awooda iyo caqliga jaaliyadaha matala ururka ku midoobay PAFD ee ku nool gudaha iyo dibada.
  • In ay kawada shaqeeyaan abaabulka shacabka ururka PAFD
  • In ururka loo sameeyo saaxiibo caalami ah oo garab istaaga himilooyinka ururku higsanaayo inagoo ka bilaabi doona dalkan Marykanka ee aan ku noola ahay iyo wadamada kale ee inagu xeeran.
  • Iyo  in shaqo qaybsi rasmi ah Lagu dhaqaaqo

IMG_5202 IMG_5203 IMG_5205 IMG_5206 IMG_5207 IMG_5208 IMG_5209

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay