Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia ayaa sheegaya tacadiyo kala duwan oo dadka shacabka ah ee ree Ogadenia loogaystay.

Warkan oo aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa sheegaya tacadiyo isugu jira xidhay iyo dhac waxayna udhaceen sidan.

23/1/17 Qabridahare waxaa lagu xidhay laguna jidh dilay Cabdinuur Laangadhe. Markay taariikhdu ahayd 24/1/17 Kudunbuur oo Qabridahare katirsan waxaa lagu xidhay gabadh shacab ah oo lagu magacaabo Sahra Yuusuf Dhool. Isla taariikhdan 24/1/17 Jigjiga waxay kooxda Hawaarintu kudishay askari ciidankooda katirsanaa oo lagu magacaabi jiray Xabiib waxayna kudileen jidh dil.

28/1/17 Dagemada Fiiq waxay ciidanka wayaanuhu ku xidh xidheen 10 qof oo shacab ah waxaana kamid ahaa
1 mustafe cabdi xassan
2 bishaar daahir maahir
3 mowliid maxamad
4 dheeg diyaar cumar wali.

Waxaa dadkan laga dhacay hanti badan oo isugu jirta lacag cadiin ah iyo xoolo nool waxayna ciidanka wayaanuhu dadkan ugaysteen jidh dil aad ubadan.

 

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay