Waxaa maalintii jimcaha ee inasoo dhaaftay shir wadatashi ah uu ka bilaw day magaalada sanca ee dalka yamen shirkan ayaa waxaa maanta laguso gabagabeeyay guriga umada ee magaalada sanca dalka yamen.

Shirkan ayaa wuxuu daba socday shirwaynihii wadatashiga ee heer caalami kaasoo lagu qabtay shanta qaaradood ee aduunka lag waxaana laga tashan hayay halganka Ogadeniya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa shirkan ayaa waxaa kasoo wada qayb galay dhamaanba xubnaha ururka ee jaaliyada Ogadeniya ee Yamen.

Shirkan ayaa wuxuu maanta kusoo dhamaaday si guula waxaana laga soo saaray qodobo muhiima kuwaasi oo la dhaqan galin doona hadii ilaahay yidhaahdho.

Waxaana lagu balamay in la xoojiyo halganka korna loo qaado wax qabadka jaaliyada sidoo kale la xoojiyo lana garab istaago ciidanka Jabhada wadaniga xoraynta Ogadeniya ee jiida hore ee dagaalka ku jira.

ONA/Sanca

FB_IMG_1485812196792 FB_IMG_1485812192876 FB_IMG_1485812188300 FB_IMG_1485812183254

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay