Wararka naga soo gaadhaya xuduuda Itoobiya iyo Eritrea ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya ay duqeeyeen ciidamo kamid ah mulatariga gumaysiga Itoobiya.

Sida warka aan kuhelay ciidanka laduqeeyay ayaa ahaa ciidamo aad ubadan oo taliska wayaanuhu uu kasoo celiyay wadanka Somalia kadib khal khalkii gumaysiga lasoo darsay kuwaas oo lageeyay woqooyiga Itoobiya.

Warka ayaa intaas kudaraya in diyaarad kuwa dagaalka ah oo ay mulatariga wayaanuhu leeyihiin kugaraacday rasaas aad ubadan waxaana lasheegayaa in ay gumaaday ciidan aad ubadan oo kuwa wayaanaha ah.

Arintan ayaa tilmaan u ah sida aysan isaga warhaynin ciidamada wayaanuhu isla markaana talisku uu ugu fashilmay talada wadanka waxayna arintaasu sii badinaysaa khal khalkii siyaasadeed ee kajiray wadanka Itoobiya.

Khasaaraha ciidanka wayaanaha ee la duqeeyay soo gaadhay ayaa lasheegayaa in uu aad ubadan yahay isla markaana dhimashadu ay noqotay kash kaash halka dhaawacana lageeyay magaalooyin badan oo kuwa xuduuda ku dhaw ah.

Ciidankan lagumaaday ayaa lasheegayaa in ay ahaayeen kuwo awalba gadoodsanaa oo si xoog ah looga soosaaray wadanka Somalia halkaas oo lacag badan ay mushaar ahaan uqaadan jireen wuxuuna warku intaas kudarayaa in ilaa iyo intii laga soosaaray Somalia aysan qaadanin wax mushaar ah.

Lama xaqiijin karo in ay diyaaraduhu ciidanka wayaanaha ee xuduuda kusugan ula kac uduqeeyeen iyo in jaha wareerka wadanka gumaysiga kataagan uusababay in ay islaayaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay