War kasoo baxay Wasaarada Ganacsiga ee Gumaysiga Itoobiya ayaa lagu sheegay in wadanka Itoobiya ay soo food saartay dhaqaale yaraan aan iyadoo kale horaan loo arag.

Warka wasaarada kasoo baxay ayaa lagu sheegay in wadanka uu kajiro sicir barar aad usareeya isla markaana lacagtii wadanku ay noqotay qashin wax ay gaynaysana ayna jirin.

Sidoo kale wasaarada ayaa sheegtay in lacagtii adkayd wadanka ay ka dhamaatay isla markaana bangiyada wadanku ay haawanayaan taas oo lagu eedeeyay in ay madaxda wadanku mas’uul katahay.

Dhinaca kale waxaa wadanka guud ahaan kajirta abaaro aan noocooda dhawaanahan la arag waxayna abaaruhu si toos ah usaameeyeen dhulka S.ogadenia, Oromia iyo Gobolka Canfarta.

Wasaarada ayaa qoraalkeeda kusheegtay in uu yaryahay gurmadka loo fidinayo dadka abaaruhu saameeyeen waxayna arinkaas wasaaradu kusababaysay in aduunku uu kacaajisay deeqdii Itoobiya lasiin jiray.

Dhinaca kale waxaa meesha kabaxay wax soosaarkii beeralayda Itoobiya kuwaas oo abaaraha jira owgood waayay roobabkii ay tabaca kusamayn jireen waxaana aad hoos ugu dhacay dalagii lafilayay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay