Sida aan wararkaanagii hore idiinku soo gudbinay waxaa ka dhacay Jaamacada Adigrat mudaharaad xoog badan kaas oo ardayda wax kabarata jaamacada ay ka wadeen gudaha jaamacada. Hadaba ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee bahaloobay ayaa waxay bilaabeen inay dilaan qaar kamida ardayda wax ka barata jaamacada si loo argagax galiyo ardayda.

Hadaba waxaa xalay habeenimo mayd kiisii laga helay maydka wiil lagu magacaabo Shume Lema oo kasoo jeeday magaalada Dire-Dhaba ciidanka wayaanaha ayaa waxay mayd ka ardaygan u gudbiyeen dhankaas iyo magaaladii uu ka yimid ka hor intuuna jaamacada soo aadin.

Ciidanka wayaanaha ayaa waxay maciin bideen markay u adkaysan waayeen mudaaharaadyada dil xadhig ay kula kacayaan shacabka kasoo horjeeda nidaamka Gumaysiga Itoobiya. Xaalada Jaamacada Adigrat ayaa wali cakiran waxaana guud ahaan jaamacada ku weegaaran ciidamo Gumaysiga Itoobiya kusoo daabulay jaamacada.

Wararka kasoo kordha jaamacada kala soco ONA.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay