Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa kabaxay aamusnaanta waxaana uu taageeray dadka banaanbaxyada wada kuwaas oo ka soo horjeeda go’aanka Madaxweynaha Maraykanka uu ku mamnuucay dadka Muslimiinta ah ee u dhashey 7 dal oo ku yaala Bariga Dhexe iyo Afrikain inay imaan karaan Maraykanka muddo 90 maalmood ah.

Muwaadiniintu waxay muujinayaan awoodda uu dastuurku siinayo ee ah in ay isu imaan karaan, kulamo qabsan karaan oo is abaabuli karaan si codkooda loo maqlo iyaga oo filan kara qiimaha Ameerika ayuu yiri afhayeen u hadley Obama oo lagu magacaabo Kevin Lewis. Kevin Lewis ayaa sheegay in Obama iska fogeynayo in dadka la fuquuqo iyada oo la eegayo diintooda, sida ay qortey Politico.

Trump oo waraysi siiyey Telefishanka ka hadla arrimaha Masiixiyiinta Christian Broadcasting Network ayaa sheegay dadka Kirishtaanka ah ee u dhashey dalka Suuriya in iyaga la soo dhaweynayo taas oo muujineysa in go’aankiisu yahay mid diin gaar ah la faquuqayo.

Inta badan Madaxweynayaasha xilka ka dega ee Maraykanka ayaan cambaaraynin ama ka hadlin shaqooyinka Madaxweynaha xilka kala wareegay, inkasta oo Obama oo horey u sheegay in aanu dhaqankaas ilaalin doonin haddii uu arko wax khaldan uu hadlayo.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay