Saxaafada kala duwan ee dalka Faransiiska ayaa sheegaysa in askari Faransiis ah oo waadi ka hayey matxafka Louvre oo ku yaala magaalada Paris rasaas ku furay nin uu ka shakiyey inuu weerar damacsanaa.

Ninkaas oo ku dhawaaqayey “Allaahu Akbar” ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayey inuu mindida uu sitay ku dhufto askariga laakiinse uu isaga dhaawac ba’ani soo gaadhay ka dib markii askarigu rasaas kaga jawaabay weerarkaa.

Warkan ayaa intaas ku daraya in ninka weerarka ahaa la sheegay inuu doonayey inuu galo dukaan ku yaala dhanka hoose ee matxafka. Hawlgal nabadgelyo oo ballaadhan ayaa lagu talaabsaday. Wasaaradda Arimaha guduhuna waxay xaaladda ku tilmaantay mid “ba’an”.

Dadkii ku jiray matxafka Louvre ayaa iyagana laga daad gureeyay. Wararka ku saabsan dhacdadani way isa soo tarayaan, laakiin af-hayeenka booliska Faransiiska ayaa isna sheegay in ninka weerarka qaaday ku dhawaaqayey “Allaahu Akbar” hase ahaatee muu sidanin waxyaabaha qarxa waa sida hadalka loo dhigaye.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in uu sitay ninkan weerarka gaystay mid ama laba shandadood oo ay ka buuxaan walxaha qarxa, war kalena wuxu tibaaxayaa in uu dhabarka ku sitay shandad oo uu faashna sitay.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay