Jabhadda Waddaniga Xoraynta  Ogaadeenya
Xarunta Dhexe ee JWXO

 

 

Bayaan

Shir  hawleed  ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha Dhexe ee ku sugan Xarunta Dhexe/ JWXO ee gudaha dalka Ogaadeenya intii u dhaxaysay 19 – 22 bishan December, waxaa lagu qiimeeyay:

a-     Xaaladda guud ee halganka iyo duruufaha ku xeeran.
b-    Qiimayn xaaladaha cadawga uu ku sugan yahay.
c-    Xaaladaha ka jira Geeska Afrika.

Dood iyo falanqayn dheer ka dib waxaa la isla qiray in guulo wax ku ool ah laga gaadhay halganka shacabka Ogadenya ee gaadhay heer sare oon ka soo laabad lahayn iyo gaar ahaan hawlagadii ciidan ee la qaaday intii u dhaxaysay labada Shir-hawleed.

Waxaa la qiray inuu cadowga taliska Addis Ababa ku guul daraystay dhamaan qorshayaalkiisii ku wajahnaa Geeska Afrika gaar ahaan Ogadenya. Waxaa hoosta laga xariiqay inuu cadawgu ku sugan yahay marxalad burbur ah oo dhinac walba ah, sida ciidankiisa uu  ku jira amardiido, goosi iyo mooraal xumo uuna garanaynin sabab uu ugu dhinto Ogadenya iyo siyaasadiisa oo gebi dhaclaynaysa oo meel kasta ka soo xidhantay.

Markii ajandaha shirka si mug leh looga wada hadlay waxaa lagu go’aamiyay si loo dardargaliyo halganka qodobada soo socda;

  1. In la fuliyo islamarkaana la sii xoojiyo go’aamadii Shir- hawleedkii hore. 
  2.  In la fashiliyo shirqoolada cadawga lana burburiyo ujeedooyinka aan midho dhalka lahayn ee soo noqnoqonaysa.
  3. Waxaa la ansixiyay qorsho shaqeedka la jaan qaadaya xilligan.
  4. Waxaa shirka canbaarayn looga soo jeediyay falalka argagixisnimo ee uu gumaysigu kula kaco  shacabka birmagaydada ah ee Ogadenya.
  5. Waxuu shirku canbaareeyay shirkada shisheeyaha ah ee damaca foosha xun ee doonaya inay boobaan  khayraadka rabaaniga ah ee Ogaadeenya.
  6. Shirku waxa uu amaan iyo bogaadin u soo jeediyay Ciidanka Waddaniga Xoraynta Ogaadenya (CWXO) ee sida geesinimada ah u gutay xilkiisa. Sidoo kale shirku wuxuu hanbalyo iyo bogaadin u diray shacabka Ogaadeenya gude iyo dibadba siduu u garab-istaagay hogaanka iyo ciidanka JWXO ee u taagan raadinta xaqa aayo ka talinta shacabka.
  7. Wuxuu shirku shacabka uga digay inayna ku kadsamin beenta iyo shirqoolada dhagareed ee cadowga una adkaystaan dibindaabyada uu ku hayo.

Wuxuu shirku u soo jeedinayaa digniin kama dambays ah kuwa biidhi qaatayaalka ah ee naftoodii, caqiidadoodii iyo sharaftii qaranimadooda iibsaday inay ka waantoobaan haddii kale ay la kulmi doonaa caaqibo xumo.

Midnimo – Mintid – Iskutashi – Guul
A/AKBAR     A/AKBAR  A/AKBAR

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay