Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay maalmaha talaadada iyo Arbacada ee toddobaadkan dhammaan wadooyinka Magaaladda Muqdisho laxidhi doono, isla markaana la joojin doono isu socodka caasimadda.

Yuusuf Xuseen Jimcaale, Duqa Muqdisho oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha Soomaaliya darteed loo xanibay dhammaan isu socodkii Gaadiidka wadooyinka muqdisho, si loo adkeeyay amniga caasimadda.

wuxuu amar ku bixiyay in laxidho dhammaan iskuuladda iyo jaamacadaha ku yaala magaaladda muqdisho oo la fasaxo ardayda “Hay’adaha waxbarashada waxaa ka rajeyneynaa in maalmahaasi ay ardayda ka fasaxaan waddooyinka xirmaya ee magaalada gudaheeda ah si aaney culeys ugu dhicin ardada”

Mar uu ka hadlayay guddoomiyaha dadka ka dhoofaya, kana soo degaya Garoonka diyaaradaha ee Muqdishi wuxuu sheegay iney u diyaariyeen Basaska dowladda hoose oo ka soo qaadi doona waddooyinka laxidhayo, geyna doonaan halka laga raaco basaska aada garoonka Aadan Cade ee Muqdisho.

Gabagabadii,  Duqa Caasimadda Muqdisho wuxu ugu baaqay dadweynaha inay sabraan oo dulqaataan labadaas maalmood ee doorashada ay dalka ka dhacayso.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay