Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa is-hortaagtey go’aanka xukuumadda Kenya ee ahaa in la xiro Xerada Dhadhaab.

Dawlada Kenya ayaa horey u ballan qaadey in Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab la xidhayo ugu danbeyn dhamaadka bishii 11aad ee sanadkii 2016, laakiin ay muddada u kordhisey mar danbe oo codsi loo jeediyey.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ku tilmaantey go’aanka Xukuumadda Kenya mid xad-gudub ku ah xuquuqda aadanaha. “…Go’aanka Xukuumaddu wuxuu si gooni ah u bartilmaameedsanayaa qaxootiga Soomaalida taasoo ah mid sharci darro ah, sidaas darteedna waxaan go’aankaasi ka soo qaaday mid aan waxba ka jirin…” ayuu yidhi John Mativo, xaakimka maxkamadda sare.

Go’aanka Xukuumadda Kenya ayaa soo baxay sanadkii 2015 waxaana fulintiisa la bilaabey sanadkii 2016, waxaana la is weydiinayaa sababta go’aanka Maxkamaddu sidaas ugu daahey.

Dhamaan hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo hay’adda UNHCR ayaa ka hor yimid go’aanka Kenya kuna tilmaaamey mid khatar gelinaaya nafta dadka qaxootiga ah. Dhadhaab ayaa la sheegaa in ay tahay mid kamid ah xeryaha ugu waaweyn caalamka.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay