Ummaddaha la gumeystay ama la isticmaarsaday ee la qabsaday waa Ummaddo waayay Hogaan u jeexa Jidka ay ku gaari lahaanyeen Guul, Horumar, Haybad iyo Awood lagaga cabsado, si uusan cadaawuhu u damcin inuu qabsado, bililiqaysto, dhalangadiyo, kadibna isagu maareeyo xaadirkooda iyo mustaqbalkooda labadaba.

Hoggaamintu waxay la cimri tahay aadamaha. Eebbe (SW), ka hor intuusan abuurin Nebi Aadam (CS), wuxuu malaa’igta ku wargeliyey in uu abuurayo ‘khaliifa’[1]. Sheekh Qurdubi, isagoo aayaddaas daliishanaya, ayuu ku doodaa in hoggaamiyaha Islaamka loo bixiyo khaliifa. In kastoo, hoggaamintu la fac tahay aadamaha, laga qoray buuggaag sare u dhaafaya 45,000[2] iyo qoraalo aan ka yarayn 155,000,000[3], san adkii walbana lagu kharash gareeyo lacag sare u dhaafaysa $100 bilyan oo dolar tababarista iyo hagidda hoggaamiyayaasha, haddana, waxa la isku waafaqsan yahay in aan weli wax weyn laga aqoon. Ragga qaarkiis, tusaale ahaan Burns sannadkii 1979-kii waxayba yiraahdaan ‘waa mawduuca loogu hadal haynta badan yahay, looguna fahanka yar yahay’.

Inkastoo, adduunka oo dhammi baahi weyn u qabo fahanka hoggaaminta, haddana, Soomaalidu, baahi ka badan baahida ummaddaha kale u qabaan ayay u qabtaa. Waayo, dhammaan dhibaatooyinkii soo maray Soomaaliya 500′ sano ee la soo dhaafay waxay salka ku hayeen hoggaan xumo.

Tusaale ahaan, Soo gelitaankii gumaysiga iyo qayb-qaybintii geyiga Soomaalida labadaba waxaa saldhig u ahaa hoos u dhac ku yimid tayadii hoggaamiyayaasha Soomaalida. Sidoo kale, faqriga, gaajada, jahliga, inxiraafka caqiidada, dagaallada micno-darrada ah, miyir-gaddoonka mujtamaca, xaalufinta degaammada, qashinka lagu aasayo dhulka Soomaalida, dhammaan waxaa mas’uul ka ah dad aan u qalmin hoggaamin ummaddeed, dad aan samayn karin hiraal qaran, dad aan qiyam iyo sharaf midna lahayn oo maroorsaday masiirkii ummadda.

Mudnaanta ay leedahay in la helo Hogaan sax ah, waa mid aad u weyn, maxaa yeelay waxaa badan dadku in ay ku daydaan ama qaataan tilmaamaha hogaamiyahooda, (Dadku waxay qaataan dabeecadaha iyo Diinta uu haysto Hogaamiyahoodu).

Rasuulkenii suubanaana wuxuu yiri ( Labada Qaybood oo Bulshada ka mid ahi haday toosaan oo Wanaagsan yihiin, Bulshada oo dhan wey toostaa, labadaasina waa Culimada iyo Madaxda).

Hadaba yaa Hogaamiye noqon kara, maxayse yihiin tilmaamaha Hogaamiyuhu?

Hogaamiye waa qof lagu daydo, oo Ummadda inteeda kale u ah Tusaale oo Rabbi uu siiyay Tilmaamo sare, oo ka soocaya dadka intiisa kale. Tilmaamahaa qaar waa lagu soo dhashaa ama la dhaxlaa, qaarna waa lagu tababartaa, ama waa lays baraa. (Waxaa la yiri saxaabi la oran jiray Mucawiye ibn abi Sufyaan ayaa ninbaa arkay isagoo yar oo hooyadiis wado, wuxuuna yiri, wiilkani wuxuu noqon doonaa hogaamiyaha Carabta, hooyadiina waxay tiri; haduuna Aduunyada hogaaminin waaban gablamay).

Dhab ahaana wuxuu Mucaawiye u noqday waqtigiisii hogaamiyaha Aduunyada ugu awooda iyo xooga badan, taasina waxay caddaynaysaa in tilmaamaha Caqliga, Maamulka, Deganaanta, Xilkasnimada ilmaha oo yar laga arki karo, kadibna loo baahan yahay in loo sii adkeeyo, lagu sii tababaro, sida ay Mucaawiye hooyadii kutaa-maysay.

Hogaamiye waa qof ku fikiri kara inuu Guulo sare xaqiijiyo isagoo adeejinaya ama shaqa-galinaya Ummadda oo dhan. Isla markaana Ummaddu ay siinayso kalsooni iyo jacayl daacadnimo, maadaama uu iyada u shaqaynayo, hormarinayo, danaheeda ilaalinayo, jiritaankeeda sii xoojinayo.

Tilmaamaha lagarabo hogamiyaha wanaagsani way badan-yihiin, balse hadaan beegsano kuwa ugu mudnaanta badan, waxaan soo qaadan karaa kuwan soo socda:

1- Dulqaad, oo qof aan lahayn Dulqaad oo xanaaq badan, lana dagaalamaya qof kasta Hogaamiye ma noqon karo.

2- Deeqsinimo: qof ay ku adagtahay wax bixinta iyo gacan iska hormarintu ma hogaamin karo Bulsho, maxaa yeelay dadka qaarbaan kuu hogaan-samaynin hadaadan Afka wax u galinin.

3- Caqli badan iyo garasho sare, si uu u kala sooci karo dhacdooyinku mudnaanta ay kala leeyihiin, waxa ka dhalan kara iyo jawaabta ugu haboon ee laga bixin karo. (waxaa la yiri doqonku wuxuu fiiriyaa cirbihiisa hoostooda, Caaqilkuna wuxuu fiiriyaa aragiisu meesha uu ku dhamaado). Marka qofka doqonka ahi meeshii uu kalmad ku jawaabi lahaa, Dagaal buu ka bilaabaa, meeshii Dagaal iyo raganimo u baahnaydna wuu ka seexdaa.

4- Karti iyo Awood waxqabad, oo qof Daciif ah ama wax matare ahi, hogaamiye sare ma noqon karo, maxaa yeelay qofka daciifka ah waa laga talaabsan, ummaddiina waa la qabsan isagoo taagan, maadama uusan lahayn Awood lagaga haybaysto.

5- Cilmi iyo Aqoon uu kufahmo dhacdooyinka iyo geedi socodka Aduunyada, oo qof dhoohan oo Jaahil ahi naftiisaba ma hogaamin karo maadaama ay adagtahay inuu kala garto Khayrka iyo sharta, waxa qiimaha leh iyo waxa aan qiimaha lahayn. Labadaa Tilmaamoodna (Kartida iyo Cilmiga) Rabbi baa Qur´aanka ku sheegay dhawr jeer, isagoo ku yiri carabka gabadhii Nabi Shucayb markay ka had-laysay Tilmaamaha Nabi Muuse: إن خير من استأجرت القَويُ الأمين Nabi Yuusufna markuu ka codsanayay Boqorkii Fircoon ahaa inuu ka dhigo wasiirka Lacagta wuxuu yiri waxaan ahay (Qof wax ilaalin kara, lehna Aqoon sare).

6- Sabar, adkaysi iyo Dulqaad, oo qof naxdin badan oo argagaxaya markuu waxyar oo khatara arko, ama oynaya sida Caruurta, Hogaan sare ma noqon karo, maxaa yeelay Oohintii iyo argagixi Ciidanka ayuu ku daaranayaa, halkaana ummaddii baa ku jabaysa.

7- Iimaan dhab ah ama mabda uu rumaysan yahay si adagna u haysto, (Yaqiin) diyaarna u ah inuu Ummaddiisa ku hogaamiyo ku hormariyo. Labadaa tilmaamoodna Rabbi wuxuu ku sheegay Aayadan; وجعلناهم أئمة يهدون بأمرنا لما صبروا وكانوا بآياتنا يوقنون

8- Latashi iyo talaqaadasho, oo qofka aan dadka la tashanini wuxuu noqonayaa kaligii taliye, taana waa lagu jabaa, waana mid aan waqtiga xaadirka ah ka dharagsanahay xumaanteeda iyo dhibka ay keento. Waxaa ka mid ahaa dhaqankii Rasuulkeenii suubana (scw) inuu ku oran jiray Saxaabadiisa markasta oo ay ka hortimaado arin muhiima ahi (ashiiruu calayya ayuhanaas = dadyahaw tala i siiya ama ilataliya). Qofkii dadka la tashadaa caqligooduu la wadaagaa, kala faa’iidaystaa, wuxuuna ku abuuraa ixtiraam iyo qadarin, qofka dadka talada ka qaadana isagaa is cariiriya, dadkana wuu duleeyaa wuxuuna dareensiiyaa liid iyo dulinimo.

Taloyin aan usoo jeedinayo walaalaha Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii haddii aan dooneyno inaan u noqono ummaddeena hogaan ay ku nasato kuna hilmaamto dhibka haysta , waxaa waajib ah inaan yeelano tilmaamaha suuban ee looga baahanyahay qofka hogaanka ah, xitaa haddii aanan u dhalanin waan baran karnaa nafteenana waan ku tababari karnaa.
Isbadalka aan raadineyno waa inuu ka yimaada ama aan ku bilownaa nafteena, qof kastoo naga mid ah haddu naftiisa hogaanka u qabto wax badan waa ku guuleysan karnaa inaan badalno.

Guud ahaan walaal intaas ayey ku dhantahay warbixintan waanan kaaga mahad celinayaa waqtigaaga qaaliga ah inaad wax iga siisay oo aad akhrisay waa inoo qormooyin iyo warbixino kale oo xiiso leh Insha allah.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Prof Hiirad.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.