Waxaa hada shirwada tashi ah uga socdaa jaaliyada Ogadeniya ee wadanka Koonfur Afrika Xafiiska ay Jaaliyadu ku leedahay Caasimada Pretoria.  Kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay xubnaha jaaliyada Ogadeniya ee faraca Pretoria. shirkan ayaa wuxuu yahay mid wadatashi ah. kaasoo lagaga tashan hayo sidi halganka kor loogu qaadi lahaa loona dar dar galin lahaa hawlaha jaaliyada Ogadeniya ee wadanka Koonfur Afrika.  Shirka ayaa waxaa furay gudoomiyaha Jaaliyada Ogadeniya ee Koonfur Afrika mudane Halgame Mohamed Daahir wuxuna halkaas ka jeediyay qudbad aad u dheer oo uu kaga hadlaayay xaalada halganka iyo doorka dhalinyarada Ogadeniya.

Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay talooyina ka dhiibtay xubnha Jaaliyada ee konfur Afrika, waxayna xubnaha dhamaan tood carabka ku dhufteen in maanta ay tahay maalintii gacmaha la is qabsan lahaa si gumaysiga la isaga dulqaado loona soo dadajiyo Xoriyada Shacabka Ogadeniya ay mudada usoo dagaalamayeen, Shirka ayaa wali ka socda Xafiiska Jaaliyada ee Pretoria.

Shirka oo hada socda ayaa waxaan idiin kusoo gudbin doona wararkanaga danbe inshaa Allaah..

ONA/Koonfur Afrika

IMG-20170215-WA0000 IMG-20170215-WA0001 IMG-20170215-WA0002 IMG-20170215-WA0004 IMG-20170215-WA0007

IMG-20170215-WA0006 IMG-20170215-WA0003

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay