Maanta ooy taariikhdu kubeegantahay 18/2/17 waxaa Xerada Qoxootiga Xagardheere ee deegaanka Faafi ka qabsoomay shirkii faraca Iftin ee kahowlgala xerada Xagardheere.

Shirka oo furmay abaare 9:30 am xiliga Xagardheere ayaa lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah oo uu soo jeediyay hogaanka arimaha diinta ee faraca macalim deeq.

Intaas kadib kulanka ayaa lagu qaadaa dhigay qodobo dhowr ah oo gudiga faracu ay soo diyaariyeen waxaana qodobadan si nadaamsan bulshada ugu sharxay qaar kamid ah gudiga faraca.

Sidoo kale kulanka ayaa sifiican loogaga dooday arimaha laxidhiidha qoxootiga ree Ogadenia ee sida  xooga ah loogu rarayo deegaanka Kolobei oo katirsan Tukana Count, waxaana arinta geediga laxidhiidha sifiican sharaxaad uga bixiyay gudoomiyaha qoxootiga reer Ogadenia ee Noth East Kenya Daahir Maxamad Cali.

Guntii iyo gunaanadkii kulankii maanta ayaa si quruxbadan kusoo dhamaaday waxaana kalmado dardaaran ah kasoo jeediyay qaar kamid ah kaadirka faraca Iftin.

Baclay
ONA
Xagardheere.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay