Maanta oo ahayd maalin nimo Axad ah waxaa magaalada Gaarissa ee xarunta Gobolka woqooyi bari Kenya ka qabsoomay xaflad wayn oo lagu xusayay maalinta xasuuqa Ogadenia (Ogaden Massacre Day).

Xaflada oo ahayd mid ay ururka OYSU gaarissa qabashadeeda iyo qaban qaabadeedaba lahaayeen ayaa maanta kaqabsoontay hool wayn oo kuyaala gudaha Magaalada Gaarissa waxaana kasoo qayb galay dadwayne aad ubadan oo isugu jira xubnaha jaaliyada Ogadenia ee Gaarissa iyo marti sharaf kale.

Ugu horaynba wacdi diini ah iyo aayado qur’aan ah kadib waxaa kulanka laga soo jeediyay warbixin dheer oo ka waramaysa xasuuqii Ogadenia kasoday mudada dheer iyo qaabkii uu xasuuqaas udhacay waxaana inta warbixintu ay socotay jawiga shirku uunoqday mid qasan oo murugo leh.

Intaas kadib waxaa kulanka kalmado xasuuqa Ogadenia kusaabsan kasoo jeediyay halgame Gacmadheere oo wadanka Swedan kasoo kicitimay iyo naftood hurayaal kamid ah hogaanka ciidanka Ogadenia oo usoo taagnaa xasuuqyadii dhaci jiray.

Sidoo kale waxaa kulanka riwaayad xasuuqa Ogadenia katurjumaysa soo bandhigay koox faneeda Heegan ee kadhisan magaalada Gaarissa waxayna kooxdu bulshada usoo gudbisay sugaan iyo riwaayad murugo badan.

Guntii iyo gunaanadkii kulankii maanta ayaa sinabad ah kusoo dhamaaday waxaana wajiyada dadkii kulanka joogay laga dheehan karay murugo aad ubadan.

ONA Gaarissa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay