Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dirdabe oo xarun u ah waxa loogu yeedho ismaamulka Dirdabe ayaa sheegaya in xabsiyada magaalada lootaxaabay dad wayne aad ubadan oo ay kujiraan maamul kusheega magaalada.

Sida warku sheegayo ciidamada gumaysiga ee aagaas kahowl gala ayaa subixii hore ee maalin nimadii shalay bilaabay in ay xabsiyada kabuuxiyaan qaar kamid ah dadwaynaha magaalada iyo waliba maamul kusheega magaalada waxaana lasheegayaa in ay jidh dil aad uba’an ugaysteen dadkaas.

Sida xogtu nagu soo gaadhay waxaa jeelka ku geeriyooday mid kamid ah maamulkii magaalada kadib markii loogaystay jidh dil aad uwayn wuxuuna mudo yar kadib ku nafbaxay gudaha jeelka dhexe ee Dirdhabe.

Sidoo kale ciidamada gumaysiga ayaa lasheegayaa in ay xabsiyada Dirdhabe dhigeen boqool shacabka magaalada ah kuwaas oo dhamaan tood lasheegayo in loogaystay tacadiyo kala duwan, warka ayaa intaas kudaraya in ay jiraan dad shacab ah oo xabsiga ku dhex dhibaataysan kadib jidh dil culus oo loogaystay.

Ciidamada wayaanaha ayaa lasheegayaa in ay dadkan ku eedeeyeen in ay taageero ufidiyeen kacdoon wadayaasha kasoo horjeeda taliska wayaanaha isla markaana ciidanka ayaa ku andacooday in ay shacabku kadambeeyeen qalalaase ka dhacay magaalada Dirdhabe.

Sikastaba ha ahaatee xiisad xoogan ayaa laga soo sheegayaa magaalada Dirdhabe iyo nawaaxigeeda waxaana lagu soo waramayaa in ay shacabku kacsan yihiin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay