Wararka naga soo gaadhaya xuduuda Ogadenia iyo Oromia ayaa sheegaya in ay dagaaladii udhaxeeyay labada Dabaqoodhi siikaraar qaateen, dagaaladan oo hurintoota iyo hulaaqin toodaba ay lahayd xukuumada wayaanaha ayaa gaystay khasaare xoogan oo labada dhinac ah.

Warkan oo aan kahelay wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ee xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa sheegaya in dhimashadu ay gaadhay heer aan laqiyaasi karin halka dhawaawucuna uu meelkasta yaalo, sidoo kale dagaaladan ayaa gaystay barakac wayn oo soo gaadhay shacabka kudhaqan xuduuda labada wadan ee Ogadenia iyo Oromia.

Dagaaladii ugu dambeeyay oo ee todobaadkan dhacay ayaa lasheegayaa in ay socdeen 17-18/2/17 waxayna ka dhaceen daagaanada kala ah Nagayla Borane, Gursum, Gorayga, Liibaan, Dhadhabane, Mayumuliqo, Dhakasufti, Iyo meelo kale oo badan.

Dhamaan dagaaladan ayaa gaystay khasaare aad ubadan oo labada Hawaarin iyo shacabka labada dhinacba ah waxaana lagu soo waramayaa in ay colaadu gaadhay meel aan waxba laga qaban karin.

Taliska wayaanaha ayaa colaadan shidan u arka guul usoo hoyatay wuxuuna talisku aaminsan yahay in ay kafududaan doonto colaadii kaga socotay qoomiyadaha ugu tunka wayn wuxuuna talisku ku guulaystay inta badan danihii uu hurinta dagaalkan kalahaa.

Sikastaba ha ahaatee Ogadenia iyo Oromia ayaa si isku mid ah looga dareemayaa colaada ka holcaysa xuduuda labada wadan waxayna shacabku aaminsan yihiin in taliska wayaanuhu uu dabada kariixayo dagaaladan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay