Sida ay baahiyeen Wakaaladaha wararka ee Soomaaliya Sanduukha Lacagta Adduunka ee loo yaqaano (IMF) ayaa sheegtay in ay qorshaynayaan in la beddalo lacagta Soomaaliya isticmaasho oo ay ugu dambaysey daabacadeedu ka hor burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991.

 Warku waxa uu sheegayaa in Shilin Soomaaliga cusub lagu wado in uu dalka soo gaadho sanadkan gudihiis haduu ilaahay yiraahdo, waxaana ay beddalaysaa lacagta Dollarka ah ee badashey Soomaaliga iyo midda faalsada ah ee dalka lagu dhex daabici jirey sida uu sheegay Samba Thiam madaxa IMF u qaabilsan Soomaaliya.

98% lacagta hadda la isticmaalayo waa mid faalso ah” ayuu yiri Thiam´mar uu warbaahinta waraysi ku siinayey magaalada Nairoi halka 2% ee soo hadhay ay tahay mid la daabacay sanadkii 1990 taas oo ah mid aad u guudowday.

Daabacadda lacagta cusub ayaa noqoneysa mid aan badneyn, waxaana ay ka qayb-qaadanaysaa in uu dib u shaqeeyo Baanka Dhexe ee Soomaaliya sida uu yidhi Samba Thiam. Hay’adda IMF ayaa Soomaaliya ku leh lacago ku dhaw 4 Bilyan oo Dollar inkasta oo Soomaaliya ay istaahisho oo gaadhay deyntaasi heer la cafiyo.

Dhamaan lacagaha faalsada ah ee la daabaco ayaa laga dhigaa kuwo la daabacay sanadki 1990, waxaana ku saxiixan Lacaghaye ama Xisaabiye ay dhici karto in uusan noolayn wakhtigan xaadirka ah.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay