Sanadku waa 1964,kii Goobtuna waa meesha la yiraahdoTog-wajaale waxaana halkaas ka socdey dagaalo culus oo u dhaxeeyey ciidamada geesiyaasha soomaaliyeed iyo kuwa Itoobiya.

Askari lagu magacaabayey Maxamed Cabdulle Xalane ayaa waxuu ka mid ahaa ciidamadii xooga dalka soomaaliyeed ee goobaha dagaalka ku sugnaa xiligaas waxaana hubka culus ay is weeydaarsanayeen kuwii kasoo hor jeedey ee Itoobiya.
Sidii uu dagaalka u socdey ayaa waxaa dhacdey in ciidamadii Itoobiya oo aad u tira badnaa ay kusoo dhawaadeen goob ay difaac kaga jireen ciidamadii uu ka tirsanaa askariga lagu magacaabayey Xalane waxaana dhacday in ciidamadii ay dib u soo gurtaan iyadoo goobta uu ka surnaa ama ka dul babanayey calanka Soomaaliyeed.

Waxaa hadaba dhacdey Maxamed Cabdulle Xalane markuu arkey in ciidamada soomaalida ay xoogaa dib u gurasho sameynayaan maadaama ay aad uga tiro yaraayeen kuwa itoobiyana ay aad u badnaayeen iyagoo diidanaa in la go,doomiye ayaa waxuu Xalane mar qura arkey Calankii soomaaliyeed oo dushiisa ka babanaya waxuuna go,aansadey inuusan meesha kaga tagin Markaas ayuu qaatay calankii oo xariggiisii ka soo degsaday si uu ula tago oo uusan gacan cadow ugu dhicin. waxaase jirtey in Geesigaas soomaaliyeed Maxamed Cabdulle Xalane ay arkayeen cadowgu markii uu calanka soomaliyeed soo dejinayey dabeedna waxa ay ku fureen Rasaas ka dhaceysey qoriga nuuca culus ee boobaha loo yaqaan waxaana halyey Xalane uu sameeyey geesinimo xad dhaaf ah isaga oo korkiisa oo dhan rasaas lala dhacey ayuu diidey inuu ka tago calankii soomaaliyeed waana uu isku duubay isagoo la soo gar guurtey mana uusan sii deynin waxuuna la ag yimid ciidamadii soomaaliyeed waxaana markii naftii ka sii baxaysay ciidamadii ag joogey uu ku yiri hadal aad u qiiro badnaa kaasoo ahaa:

“WAR CADAWGU BIR MA AHANE BURBURIYA CIIDA IYO CALANKA SOOMAALIYEED U DIIDA”

Hadaba hadii aan xusno taariikhda geesigaas soomaaliyeed ee magaciisu ahaa Maxamed Cabdulle Xalane wuxuu sanadkii 1943-kii ku dhashay degmada Ceelbuur, wuxuunna ciidamada Xoogga Dalka soomaaliyeed ku biiray Bishii Juun 20-keeddii Sanadkii 1960,kii.
Naxariistii Jano alaha siiyee Maxamed Cabdule Xalane dawladii soomaaliyeed markii uu dhintey ka dib waxey u garatey in lagu maamuuso Billad geesinimo oo Dahab ah waxaana kaloo loogu magac darey Xarunta Tababarka Ciidamada ee Xalane oo ku taala magaalada muqdisho.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay