Hay’ada IMF ayaa sheegtey in deyn bixiyayaasha deymaha ku lahaa Soomaaliya ay dhici karto in ay cafiyaan qeyb ka mida deymahaas oo gaaraya 5.3 Billion oo Dollar, hadii ay Soomaaliya buuxiso shuruudaha laga doonayo si looga cafiyo deymahaas.

Shuurdahaas ayaa waxaa ka mid ah in Soomaaliya loo daabaco lacag cusub, islamarkaana ay la timaado siyaasad wax ku ool ah oo la xiriirta dhinaca lacagta, sida ay sheegtay IMF. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal sabool oo dhowr ah oo IMF iyo Bank Adduunka ay sheegeen inay xaq u yeesheen in laga gargaaro deymaha culus ee lagu leeyahay.

Laba bari kahor ayay shaaca ka qaaday Laanta Lacagta Aduunka ee IMF in ay Soomaaliya yeelan doonto lacag cusub oo sanadkan dhexdiisa la daabici doono. Talaabadan ayaa imanaysa doorashada Madaxwayne Farmaajo oo aad looga taageeray Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Africa.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay