Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada ee wadanka Ingiriiska oo warbaahinta lahadlayay ayaa sheegay in ay khalad tahay in dowladiisu ay caawiso xukuumada wayaanaha oo uu kusheegay mid gumaad joogta ah kuhaysa shacab keeda.

Wasiirka Arimaha Dibada ee wadanka Ingiriiska Boris Johnson ayaa carabka ku adkeeyay in ay wax laga xishoodo tahay caawinta xukuumadaha kali talis ka ah sida xukuumada Itoobiya oo uu kusheegay mid caawimaada lasiiyo u adeegsata xasuuqa shacabka.

Dowlada Ingiriiska ayaa lagu eedeeyaa in ay bixiso dhamaan kharashaadka ku baxa kooxda Hawaarinta ee lootababaray gumaadka shacabka Ogadenia kuwaas oo gaystay xasuuq aan kala sooc lahayn.

Hay’adaha xuquuqul insaanka udooda ayaa dowlada Ingiriiska ku eedeeyay in ay si indha la’aan ah utaageeraan xukuumada wayaanaha ee gumaadka joogtada ah kuhaysa shucuubta ay gumaysato.

Dhinaca kale dowlada Ingiriista ayaa sheegtay in ay joojisay dhamaan lacagihii ay kubixinaysay barbaarinta kooxda Hawaarinta, hase yeeshee dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay in ay xukuumada Itoobiya siiso caawimaad bini’aadam nimo balse ay joojisay dhamaan caawimaadii dhinaca ciidamada.

Sidoo kale wasiirka arimaha dibada ee Ingiriiska ayaa sheegay in dowlada Ingiriiska ay ceeb kutahay taageerada dowladaha fashilmay ee dadkooda dhibaateeya wuxuuna wasiirku sheegay in taageerada Itoobiya iyo kuwa lamidka ah lasiiyo loobadalo bariga Yurub oo dhibaatooyin dhinaca aadamaha ah ay kajiraan.

Sikastaba ha ahaatee waxaa meesha ka baxday kalsoonidii lagu qabay xukuumada wayaanaha waxayna arintaasu keentay in ay kooxda TPLF waydo caawimaad dhinacyo badan ah oo kasoo gaadhi jiray dunida.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay