Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Walqayet ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in xiisad xuni ay kataagantahay kadib markay kooxda TPLF sunaysay mid kamid ah mas’uuliyiinta Gobolkaas.

Sida xogta aan kuhelayno Abdirizak Musa oo kamid ahaa gudigii wadahadalka ee Gobolka laysku haysto ee Walqayet ayaa lasheegayaa in uu dhintay kadib markay xukuumada wayaanuhu sunaysay, ninkan oo ahaa xubnaha ugu firfircoon ee wadahadalka ayaa lasheegayaa in jidhkiisa laga helay sun khatar ah kadib dhimashadiisii.

Gobolka Walqayet oo ah Gobolka ay leeyihiin qoomiyada Axmaaradu ayaa ah Gobol mudo ay qalalaase kataagnayd kadib markay qoomiyada Tigreegu sheegteen lahaan shaha Gobolkaas.

Qoomiyada Axmaarada oo ah mida ugu tunka wayn qoomiyadaha daga woqooyiga Itoobiya ayaa wacad kumartay in aan farahooda laga bixin doonin Gobolka Walqayet halka qoomiyada Tigreeguna ay muruq iyo maalba isugu geeyeen gacan kuhaynta Gobolka Walqayet.

Kooxda TPLF oo caan ku ah in ay suneeyaan dadka ay is hayaan ayaa dhawaan sun kudilay wakiilkii wayaanaha ee Gobolka Oromada Alemayehu Atomsa waxaana isku mar lasuneeyay mas’uulkan iyo darawalkiisii.

Sidoo kale waxaa laxasuustaa dad badan oo sun lagu dilay gudaha wadanka Itoobiya waxaana kamid ahaa dadkii lasuneeyay Xassan Jire Qalinle oo sanadadii sagaashamaadkii ahaa soomaray Madaxwaynaha wadanka Ogadenia.

Sikastaba ha ahaatee dilka Abdirizak musa ayaa keenay xiisad culus waxaana cadhada shacabka laga dareemayaa Gobolka Walqayet iyo deegaanada kuxeeran.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay