Wariye Askari C/ llahi oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka magaalada Edmonton ,Canada

Jaaliyada soomaalida ogaadeeniya ee magaalada Edmonton oo uu horkacayo isuduwaha jaaliyadaha Canada mudane c/xakiim Maxamed weli ayaa sidiiran ugu soo dhaweeyey garoonka weyn ee caalamiga ee magaalada Edmonton wariye C/nuur c/ llahi oo aad ugu magac dheer Askari c/laahi aadna looga yaqaano gayiga soomaalida ogaadeeniya iyo jaaliyadaha caalamka ka dhisan ,mudane Askari c/llahi wuxuu ka soo socdaalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya isagoo oo mudo dheer halkaa ku ahaa qaxooti wuxuu nasiib u helay in uu dibu dejin ka helay dalka Canada .

Hada maamulka jaaliyada magaalada Edmonton ayaa gamco furan ku soo dhaweeyey walaalkooda halganka ,isaguna wuxuu halkaa ugu mahadceliyey dhamaan jaaliyada magaalada Edmonton sida xilkasnimada ah ee ay ugu soo dhaweeyeen garoonka magaalada wuxuuna yiri markii hore cidlo ayaan dareemayey Laakiin waxaan ku faraxsanahay in aan helay wehelkaygii halganka aad baanad ugu mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad ii soo dhawayseen .

Waxaana loo sii dheelmiyey meeshii loogu talo galay in uu dago.

ONA, Cabdiraxmaan Sheekh Edmonton.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay