War dag dag ah oo hada soo gaadhay qaybta warqabadka ee Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa sheegaya in ay xiisadii ugu xumayd abid kabilaabatay magaalada Gonder ee dhacda woqooyiga wadanka Itoobiya.

Warkan oo aan kahelay ilo wareedyo kusugan magaalada Gonder ayaa sheegaya in xiisadu ay bilaabatay kadib markay kooxda TPLF afduubeen xaakimka maxkamada Gobolka Gonder oo maanta uyimid in uu qaado dacwada ninka ay Tigreegu aadka uneceb yihiin ee Cornel Damake Mekonin.

Kooxda TPLF ayaa lasheegayaa in ay tuhmeen in uu xaakinku u xaglinayo Cornel Damake iyagoo doonayay in xaakimku uu kurido xukun dheer iyo ciqaab badan waxaana lasheegayaa in ay koox ciidanka wayaanaha ah maxkamada xoog kusoo galeen halkaas oo si dirqi ah ay ku kaxaysteen Cornel Damake.

Cornel Damake Mekonin ayaa ahaa ninkii ay kabilaabatay xiisada u dhaxaysa qoomiyada Axmaarada iyo taliska wayaanaha waxayna kooxdu xabsiga dhigtay dhowr bilood kahor iyadoo mudadii uu xabsiga kujirayna dhowr jeer si xoog ah lagaga dhigay ciidanka Agaziga oo jeel qarsoon ugudbin rabay.

Shacabka magaalada Gonder oo awalba dusha kala socday xaalada Cornel Damake ayaa aad uga xumaaday afduubka loogaystay xaakimkii dhagaysanayay dacwada Kornaylka oo u dhashay isla qoomiyada Axmaarada waxayna qoomiyadu si midaysay fariin cadho leh ugu dirtay qoomiyada kale ee Tigree oo lagu tuhunsan yahay ugaadhsiga Axmaarada.

Sikastaba ha ahaatee xiisada Gobolka Gonder ayaa lasheegayaa in ay meel sare marayso waxaana laga yaabaa in ay arintu isu badasho gacan kahadal.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay