Oslo – Waxaa maalmahan  booqasho hawleed ku joogay dalal kamid ah qaaradda Yurub madaxa Dhaqaalaha iyo Arimaha Samafalka ee ururka Dhalinyaradda iyo Ardayda Ogadeenya (OYSU) Marwo Raxma Ahmed, oo ku sii jeeda inay ka geyb-gasho shirweynaha guud ee ururka OYSU oo sanadkan lagu qabanayo dalka Germany.

Marwo Rahma Ahmed oo fadhigeedu yahay dalka Canada oo maalmahan ku sugnayd dalka Norway ayaa waxaa Jaaliyadda Soomaalida Ogadeenya ee dalka Norway ku soo dhaweeyey xubno katirsan maamulka Jaaliyadda iyo ururka dhalinta OYSU-Norway.

Wakaaladda Wararka Ogadeenya ee ONA, oo wareysi ku saabsan hawlaha kala duwan ee ururka OYSU (heer caalami) ku talaabsaday muddadii sanadka ahayd ee uu jiray la yeeshay Marwo Rahma Ahmed, waxayna ku sheegtay hadalkeedii in  aas-aaskii kobaad ee ururka dhalinta OYSU la isla gartay baahidda bulshadeenu u qabto dhalinyaro abaabulan islamarkaasna  mideysan oo la jaan-qaadi karta isbedaladda aduunka ka dhacaya, taageero naf iyo maal ahna la garab istaaga qadiyadda mu’qadaska ah ee Ogadeenya, cudub iyo gashaanna  ugu noqon lahaayeen halganka looga sifeynayo dalka Ogadeenya gumeystaha Woyaanaha ee xooga ku jooga dhulkeenna ayaa waxa  si buuxda dhidibadda loogu aasay dhamaan faracyada iyo laamaha ururka OYSU- aduunka, iyadoo marwo Rahman Ahmed intaas raacisay inaysan jirin wadan uusan ka dhisnayn urur dhalinyaro oo ay ku dhaqan yihiin dad ka soo jeeda dalka Ogadeenya.

Marwo Rahma Ahmed oo aqoon fiican u leh tabaha colaadeed ee  gumeysiga Woyaanuhu adeegsado waayadan dambe una baahan sidii loo fashilin lahaa seerayaasha iyo qorsheyaasha gurracan ee Woyaanuhu adeegsado iyo kaalinta dhalinyarada kaga aadan halganka Shacabka Ogadeenya kula jiro maxaysatadda Tigreega ee uu hor-joogaha ka yahay Kaligii-taliye Males Zenawi iyo kuwa daba-dhilifka u ah ayey ku sheegtay wax-magaratada yar ee  difaacaysa gumeysiga Woyaanaha inaysan aqoonin waxa ay u dagaalamayaan, halka bay tiri innagu aan ku dagaalameyno qaddiyad xalaal ah oo aannu shacbigeena kaga xoreyneyno cadaadiska iyo xasuuqa joogtadda ah  uu taliska Woyaanuhu ku hayo ummadda Ogadeenya.

Waxayna intaas raacisay in shaqsi walba oo inaga mid ahi looga baahan yahay inuu la yimaado dadaal dheeraad ah iyo wax-qabad muuqda si dhulka looga xoreeyo gumeysiga. Wacyiga dhalinyaradda Ogadeenya waxa uu u muuqdaa  maalinba maalinta ka dambaysa in uu sii kordhayo, dhalinyaraduna waxay labaatankii sano ee ugu dambeeyey qayb libaax ku lahaayeen halganka xaqqa ah ee ka socda gudaha Ogadeenya, oo cashar lama ilaawaan ah u dhigay gumeysiga Woyaanaha iyo inta u adeegta.

Ugu dambeyntiina waxa la filayaa in uu ka furmo dalka Germany shirweynihii labaad ee ururka OYSU ee aduunka muddada u dhaxaysa 2-da ilaa 6-da bisha Januery 2012, oo la dhawrayo inay ka soo baxaan qodobo wax tar u leh dhalinyaradda Ogadeenya, korna u qaadi doona waxtarka iyo tayadda ururka OYSU.

Mohamed Ilyas/Norway.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay