Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu siibatay kala shakigii kadib markay kooxda TPLF xabsiga kasii daysay koox hantida umada dhacday oo qoomiyada Tigreega udhalatay.

Sida xogta aan kuhelay xubnahan xabsiga laga siidaayay ayaa ushaqayn jiray sida lasheegay Bank ga dhexe, Bank ga ganacsiga iyo Jibriga waxaana lootaxaabay jeelka kadib markay lunsadeen hanti aad ubadan oo hantida shacabka ee lagu aaminay ah.

Dadka amaanka xabsiyada gacanta kuhaya ayaa ogaaday in si dhuumashaal ah xabsiga looga siidaayay dhamaan xubnahan oo u dhashay qoomiyada Tigreega kuwaas oo ka koobnaa 5 rag ah iyo 2 dumar ah oo dhamaantood katirsanaa kooxda TPLF ee talada wadanka mudada dheer xooga kuhaysatay.

War kasoo baxay kooxda TPLF ayaa lagu sheegay in xubnahan todobada ah ee maxaabiista ahaa ay baxsadeen isla markaana ay wadanka kabaxeen kadib markay fursad u heleen in ay baxsadaan waxaana hadalka kooxda TPLF kasoo baxay lagu sheegay in wadamada ay ubaxsadeen looga daba tagi doono oo gacanta lagu soo dhigi doono si sharciga loo horgeeyo waa sida ay hadalka udhigeen e.

Dhinaca kale dadka Itoobiyaanka ah oo lasocda in ay jiraan boqolaal mas’uuliyiin ah oo xabsiyada kujira ayay kadaadagi wayday sida ay ubaxsan karaan xubnaha udhashay qoomiyada Tigreega oo kaliya halka kuwa kale baxsi iskadaaye jeelasha lagu laayo.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa dhankooda sheegaya in cadaaladii Itoobiya ay halkaas marayso isla markaana sharciga iyo qabiilku uu qabiilku sareeyo loona baahan yahay in wax laga qabto qaabka macangag nimada ah ee kooxa TPLF ay udhaqmayso.

Sikastaba ha ahaatee dadka arimaha Itoobiya lasocda ayaa sheegaya in wadanku uu gabi ahaanba fashilmay cid badbaadintiisa kumash quulsana aysan jiran halka kooxda TPLF tu ay aad mashquul ugu yihiin nin jeclaysi iyo hanti uruursi oo kaliya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay