Hay’ada caalamagi ah ee xuquuqda aadamaha udooda ee Amnesty Internional ayaa maalin nimadii shalay oo Arbaco ahayd soosaartay warbixin teedii sanab laha ahayd oo aad udheer.

Hay’ada ayaa warbixinteeda kusheegtay in sanadkii 2016 uu ahaa kuu ugu daraa ee abid soomara shacabka Itoobiyaan ka ah waxayna hay’adu xustay in dilku uu caadi kanoqday wadanka Itoobiya sanadkii tagay ee 2016 ka.

Dhinaca kale hay’ada ayaa qoraalkeeda kumuujisay in ay jiraan kumanaan shacab ah oo dhaawacyo ay ciidamada wayaanuhu ugaysteen kuwaas oo waayay goobo ay isku daweeyaan, sidoo kale warbixinta ayaa lagu xusay in sanadkii tagay uu wadanka Itoobiya kufsigu ka ahaa mid iska caadi isla markaana ay jiraan kumanaan gabdha ah oo si qasab ah lagu kufsaday.

Sidoo kale hay’ada Amnesty Internional ayaa warbixinteeda kusheegtay in sanadkii tagay ee 2016 uu ahaa mid ciidamada wayaanuhu ay dhaceen malaayiin hantida shacabka ah oo si badheedh ah ay udhaceen waxayna hay’adu sheegtay in sanadkaas uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee shacabka soomara, sidoo kale hay’ada ayaa xustay in sanadkii tagay malaayiin hanti ah oo shirkado shisheeye ay lahaayeen lagu dhacay gudaha wadanka Itoobiya.

Sidoo kale hay’ada ayaa qoraalkeeda ku cadaysay in sanadkii tagay ee 2016 uu ahaa kii ugu bara kaca badnaa inta laxasuusto ee shacabka Itoobiya soomaray waxayna hay’adu sheegtay in ay wadanka iskaga baxeen kumanaan shacab ah oo Itoobiyaan ah halkakuwo kalana ay wadanka gudihiisa kubara kaceen.

Sikastaba ha ahaatee hay’adaha xuquuqul insaanka udooda ayaan sanadadii ugu dambeeyay war fiican kaqori jirin wadanka Itoobiya waxayna hay’aduhu taliska wayaanaha ku eedeeyaan maamul xumo iyo cadaalad daro baahsan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay