Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay Boqortooyada Sucuudi Caraabiya halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

 Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ahaa Marwada kowaad ee Jamhuuriyadda, Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Hadliye iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa ka degey garoonka diyaaradaha ee King Khalid International Airport magaalada Riyaadh waxaana garoonka ku soo dhaweeyey Faisal bin Bandar Al Saud, Badhasaabka gobolka Riyaadh iyo Wasiiru Dowlaha xukuumadda Dr. Mussaed bin Mohamed sida ay qortey SPA.

U adeegaha labada Xaram ee Shariifka ah Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa ku qaabiley Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi halka la yiraahdo al-Yamamah. Labada masuul ayaa ka wada hadley xiriirka labada dal.

Kadib Boqorka ayaa wafdiga Madaxweynaha u sameeyey qado sharaf ay ka soo qaybgaleen qaar kamid ah qoyska Boqortooyada sida ay qortey Wakaaladda wararka ee Sucuudigu. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ayaa lagu wadaa in uu tago magaalada Barakaysan ee Makka halkaasna uu ku cumraysto.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay