Wararka aan kahelayno wadanka Itoobiya ayaa sheegaya khalaaf xoogan oo mar kale ka aloosan qoomiyada Tigreega iyo raysal wasaaraha maqaar saarka ah ee Itoobiya Hailemariam Desaleng.

Khilaafkan oo horaanba siijiray ayaa lasheegayaa in uu yara qarsoonaa wuxuuna khilaafku salka kuhayaa awooda wadanka oo qoomiyada tirada yar ee Tigreegu aysan qof kale u ogolayn in uu lawadaago balse uu qaab musame uun ah ugu magacaaban yahay Hailemariam Desaleng oo kasoo jeeda qoomiyada Dabub oo dagta Gobolka shucuubta koonfureed.

Hadaba khilaafkan cusub ee soo shaacbaxay waxaa siwayn loogu sooqoray warbaahinta ay maamulaan xubno udhashay qoomiyada Tigreega oo qaarkood ay katirsan yihiin golaha dhexe ee xisbi kusheega TPLF.

War baahintan oo si badheedh ah u aflagaadaysay Raysal Wasaare kusheega Itoobiya Hailemariam waxaa kamid ah 1 Ethiopian Reporter oo uu maamulo Amare Aregawi 2 Zami Radio oo ay leedahay Mimi Sabahatu 3 Reyotmedia oo uu leeyahay Tewidros Tsegaye, Aigaforum.com iyo Tigtai Online.

Dhamaan warbaahintan oo ku hadasha afka qoomiyada Tigreega ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Raysalwasaaraha macmilka ah oo iyagu ay ku ilaashadaan talada wadanka waxayna dhamaan warbaahintu wax kaqorayeen tayaxumida Raysal Wasaaraha.

Warbaahinta ayaa siwayn loogu weeraray shaqo xumida Hailemariam Desaleng waxayna warbaahintu sheegtay in guud ahaan wadanku uu marayo meel baaba’a ah oo aan waxba laga qaban karin.

Sidoo kale qaar kamid ah warbaahinta ayaa lagu sheegay in Desaleng uu doonayo in xukunka uu ka ilaaliyo qoomiyada Tigreega isagoo soo dhawaysanaya qoomiyadaha Axmaarada iyo Oromada kuwaas oo ah cadawga koobaad ee qoomiyada Tigreega waa sida hadalka loo dhigay e.

Sikastaba ha ahaatee waxaa guud ahaan dhimatay xushmadii ay isu hayeen mas’uuliyiinta wadanka gumaysiga Itoobiya waxayna arintu gaadhay in warbaahinta laysu adeegsado.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay