Shalay oo ay taariikhdu ku beeg nayd 23/02/2017 ayaa waxaa shirkoodii bilaha ahaa isugu yimaaday Jaaliyada Ogadeniya ee wadanka Koonfur Afrika faraca Port Ezilabath ee gobolka Eastern Captown. Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaanba xubnihii ururka, wuxuuna ku bilaw day jawi dagan. Sidii caadada ahay waxaa shirka lagu furay wacdi diini ah iyo aayado quraanka kariimka ah.

Shirka oo ahaa mid si aad ah loosoo agaasimay ayaa wuxuu xambaar sanaa dareen iyo shucuur gaara waxaana ka hadlay masuuliyiin iyo xubno badan oo kamida Maamulka jaaliyada ee Faraca Port Ezilabath.

Shirka ayaa waxaa la isku waydaarsaday araa iyo fikrado hufan oo lagu hormarinayo Halganka Xoraynta Ogadeenya. Dhanka kale maamulka jaaliyada ee Faraca ayaa waxay balan qaadeen inay sii xoojin doonaan shaqada loo igmaday, waxayna dhamaan xubnaha ka codsadeen la la shaqeeyo.

Shirka ayaa gaba gabadi wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah iyo jawi dagan.

ONA/Koonfur Afrika

    

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay