Waxaa kulan muhiim ah maanta ku yeeshay caasimada wadanka Denmark ee Copenhagen Maamulka Jaaliyada Soomaalida Ogadenya ee wadanka Denmark.

Kulankan oo ahaa mid si wanaagsan looga soo shaqeeyay ayaa waxaa iskugu yimid xubnaha Gudiga Maamulka Jaaliyada Denmark. Wacdi diini ah oo aa aad u qiimo badan kaasoo uu soo jeediyay Sheekh Xasan cabdulaahi  kabacdi waxaa laguda galay ajendihii kulanka oo uu la wadaagay xubnaha Jaaliyada Gudoomiye Cumar Shekh Maxamad.

Gudoomiyaha ayaa arimo muhiim ah oo kusaabsan waxqabadka iyo ajendeyaasha u qorshaysan Jaaliyada la wadaagay madaxdii iyo masuuliintii kulankan kasoo qayb galay.Gudoomiyaha ayaa soo bandhigay qorshaha maamulka Jaaliyada horyaala ee ladoonayo in uu qabsoomo bilaha soo socda haduu ilaahay yiraahdo.

Sidoo kale waxaa kulankan warbixin muhiim ah kusoo bandhigay Agaasimaha Hogaanka Dhaqaalaha ee JWXO Mudane Maxamuud Bashiir. Warbixintan oo ku saabsanayd dhaqaalaha JWXO ayuu si cilmiyaysan usoo diyaariyay Mudane Maxamuud.

Dhinaca kale waxaa warbixin meelo badan taabanaysa la wadaagay xubnihii kasoo qayb galay kulankan Gudoomiyaha Hogaanka Warfaafinta ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) Mudane Xasan Macalin oo socdaal dheer kusoo maray Qaarada North America isaga iyo Gudoomiyaha Arimaha Dibada ee JWXO Mudane Cabdiraxman Sheekh Mahdi (Maadeey).

Mudane Xasan ayaa warbixin waafi ah oo kusaabsan socdaalkii ay dhawaan Maraykanka iyo Canada kusoo kala bixiyeen kusoo bandhigay madasha shirka. Warbixintan oo ahayd mid aad u xiisa badan ayay xubnaha iyo masuuliintii kasoo qaybgalay kulanka ay aad ugu riyaaqeen, halkaasoo su’aalo badan laga waydiiyay Mudane Xasan Macalin.

Kulankan ayaa kusoo dhamaaday sidii loogu talagalay iyadoo la isku waydaarsaday afkaar iyo aragtiyo dhaxalgal ah oo kusaabsan geedi socodka Halganka Soomaalida Ogadenya. Madaxdii JWXO ee kulankan kasoo qayb gashay ayaa talooyin toolmoon ay xubnuhu lawadaageen.

 

ONA/Denmark

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay