Waxaa Maanta isugu yimaaday shirkoodii bilaha ahaa jaaliyada Ogadeniga ee Wadanka Yamen waxaana kasoo qayb galay dhamaanba xubnaha jaaliyada Ogaadeniya, waxaana sidii caadada ahayd shirka lagu fur furay wacdi diini ah iyo aayado quraanka kariimka ah waxaana soo jeediyay fadiilatu sheekh Mohamed Cabdulaahi.

Shirkan oo ahaa mid si wayn loosoo agaasimay ayaa wuxuu ahaa mid shucuur iyo dareen gaara xambaarsan shirka ayaa waxaa daah furaan ku sii simaha gudoomiyaha jaaliyada Ogadeniya ee wadanka yamen ahna hogaanka abaabulka Halgame Axmed Nuur wuxuu si qota dheer uga hadlay waajibaadka xubinka iyo loo baahan yahay in dhamaan xubnaha sii laban laabaan dadaalkooda ku aadan halganka Ogaadeniya iyo in la dar dargaliyo abaabulka iyo wacyi galinta bulshada.

Waxaa sidoo kale dhankooda ka hadlay shirka xubno badan oo kamid ahaa xubnihii kasoo qayb galay shirka waxaa dhankooda ayagana shirka ka hadlay hadalo qiimo leh ka jeedisay gudoomiyaha ururka haweenka Ogadeniya Faraca Yemen Halganto Marwo Nimco Mohamed Xaaji waxayna si qiiro leh ula hadashay dhamaan ba xubnihi kasoo qayb galay shirka ayadoo kula dar daaran tay in loo diyaar garoobo himilada iyo hiig siga fog ee shacabka Ogadeniya.

Dhanka kale waxaan meesha ka maqnayn kaalimihii suugaanka oo ay si halalaasi ah u qaadayeen kooxda horseed qaran ee dalka yamen waxaana goobta laga qaaday heeso halgameed aad loogu diirsaday oo ay soo diyaariyeen kooxda Horseed Qaran ee dalka Yamen waxaa si gaara xubnaha usoo jiitay gabay cusub oo uu abwaanka Kooxda ka jeediyay Madasha kaasoo loogu magac daray “Balan”.

Guntii iyo gunaanadkii shirka ayaa wuxuu kusoo dhamaaday si guula waxaana dhamaan xubnihii kasoo qayb galay ay hoosta ka xariiqeen in ay siu laban laabi doonaan kaalinta ay kaga jiraan halganka Ogadeniya ayna huri doonaan naf iyo maalba.

ONA/Yamen

       

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay