Kacdoon looga soo horjeedo ajaanibta kudhaqan dalka South Africa ayaa kasocda gobalka Pretoria ee Dalka South Africa. Kacdoon wadayaasha ayaa waxay rabaan inay cagta mariyaan hantida ajaanibta sida Soomaalida kudhaqan gobalkaas.

Sidookale Soomaalida ayaa dhankooda difaac ka galay si ay hantidooda u ilaashadaan. Booliska ayaa dhankooda aad iskugu dayaya inay xaalada qaboojiyaan.

Ma aha markii ugu horeeysay ee ay dhacdo arintan oo kale Shacabka South Africa ayaa caado u noqotay inay daadiyaan shacabka ay isku midabka yihiin ee kunool wadankooda gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed oo mudnaan gaar ah kamudan kana qayb qaatay xorayntii Dalka South Africa, ayaan helin xaquuqdii ay kulahaayeen laakin badalkeedii noqday dhiiga shacabka soomaaliyeed meel lagu daadiyo.

Hoos ka daawo Muuqaal wixii faah faahina ee kasoo kordhana kala socda wararkeena dambe Inshaa Allah.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay