Waxaa maanta lagu qabtay maalinta xasuuqa Ogaadeniya wadanka Maraykanka gaar ahaan MN Minnesota waxaana lagu qabtay jaamacada Minnesota University waxaana sanad walba bishan oo kale laga xusaa dhamaan daafaha Caalamka bisha ayaa waxay u tahay bil aad u murugo badan shacab waynaha Soomalida Ogaadenya.

Kulan ayaa waxaa soo abaabulay ururka Dhalin Yarada & Ardsyda Ogaadenya ee OYSU faraca minnesota waxaana kasoo qayb galay arday badan oo wax ka barata jaamacada sidoo kale waxaa kasoo qayb galay gudi ka socotay ardayda ururka dhalinyarad ee Oromafa waxaana halkaas kasoo jeediyay qudbado iyo taariikhda dadkii uu gumaysigu bishan  February 22/23 keeii u ku  xasuuqay dhulka Ogaadenya 1994 kii.

Waxa sidoo kale lagu daawaday mnaasabada filimo laga soo duubay dadka Ogaadenya ee gumaysigu dhibaatada ku hayo, waxaana kamid ahaa filimadii lagu daawaday “Ogaden Hidden Shame of Ethiopia”.

Bishan ayaa waxay u tahay shacabka Ogadeniya bil xasuus badan waxaana gumaysigu uu xasuuqay dad badan oo aan waxba galabsanin kuwaasi oo isugu jira shacab iyo maamulkii Ogaadnya  ee wakhtigaasi.

Manaasabafa xuska maalinta xasuuqa ayaa waxay ugu danbaynti ku dhamaatay si guula.

ONA/Minnesota

     

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay