Banaanbax weyn oo lagu soo dhaweynaayo Ra’iisul-Wasaaraha dhawaan uu magacaabey Madaxweynuhu mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Muqdisho ka dhacay shalay Jumcihii.

Isu-soobaxa ayaa ka dhacay fagaaraha daljirka daahsoon waxaana soo qaban-qaabiyey maamulka Gobolka Banaadir. Banaanbaxa waxaa ka qayb galay maamulka gobolka banaadir, Xildhibaano, Bulshada rayidka ah iyo odoyaasha dhaqanka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yusuf Jimcaale Madaale ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin magacaabidda Ra’iisul-Wasaaraha cusub, waxaana uu sheegay in ay la shaqeynayaan Ra’iisul-Wasaaraha.

Xildhibaan Duniyo Cali oo kamid ahaa Xildhibaanadii ka hadley fagaaraha isu soo baxa ayaa sheegtey in Ra’iisul-Wasaaraha uu ka yimid Bulshada rayidka ah, ayna u ducaynayaan.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye oo kamid ahaa odayaasha dhaqanka ayaa Baarlamaanka ku mahadiyey in ay keeneen madaxweyne dadku rabaan, Madaxweynuhuna uu keenay Ra’iisul-Wasaaraha ay rabaan, Baarlamaanka ayey ugu baaqeen in uu si fudud u meel-mariyo. Fagaaraha isu soo baxa ayaa ku soo dhamaadey si nabad ah iyo jawi deggan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay