Sida aan lawada socono waxaa guud ahaan gayiga ay kooxda TPLF maamusho ee Itoobiya kataagan abaaro aan noocaadaa dhawaan la arag oo saameeyay dhamaan dadwaynaha kunool miyi iyo magaalaba.

Abaarahan kataagan wadanka Itoobiya ayaa lasheegayaa in ay saamayn kuyeesheen noloshii dadwaynaha iyadoo ay dadka shacabka ah kabarakaceen deegaanadoodii kadib markay dhaafeen xoolihii beerihiina ay uwaayeen biyihii lagu waraabin lahaa.

Arintan ayaa keentay in albaabada laysugu dhufto Iskuulo badan oo arday aad ubadan ay waxkabaran jireen kuwaas oo inta badan kuyaalay dhulalka lagacan bidixeeyo sida Ogadenia, Oromia, Gambella iyo dhulka Canfarta halkaas oo lasoo sheegayo in kumanaan arday ah lagu wargaliyay in aan loohaynin dhaqaalihii lagu maalgalin lahaa.

Kooxda TPLF ee talada wadanka xooga kuhaysata ayaa lasheegayaa in ay dhaqaalihii wadanka iyo deeqihii bini’aadam nimaba jeebka kushubteen si ay ugu daboolaan baahiyahooda gaarka ah.

Dhinaca kale iyadoo abaaro ba’an ay wadanka kajiraan ayaa la ogaaday in kooxda TPLF ay dhaqaale aad ubadan kubixiso dacaayadaha ay kuwakhti dheeraysanayaan waxayna kooxdu samaysatay dad afqabeeno ah oo siyaasadooda ka gada wadamada dunida kuwaas oo lasiiyo 150,000$ bil kasta.

Lacagtan oo gaadhaysa malaayiin dooler bishiiba ayaa lasheegayaa in ay tahay deeqdii loogu tala galay in lagaga hortago aafooyinka ay abaaruhu keeneen hase yeeshee waxaa muuqata in kooxdu ay ka macaashayso duruufaha dalka kuxeeran.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay