Wararka naga soo gaadhaya xuduuda dheer ee udhaxaysa Gobolada Oromia iyo Gambella ayaa sheegaya in halkaas ay kabilaabatay colaad cusub oo u dhaxaysa labada qoomiyadood ee dariska ah ee Oromada iyo Gambellaha.

Colaadan ayaa lasheegayaa in huriteeda ay hurmuud katahay kooxda dhiiga shacabka kaganacsata ee TPLF taas oo wakhti iyo dhaqaale badanba kubixinaysa sidii ay umidha dhali lahayd colaada labada qoomiyadood.

Sida xogta aan kuhelayno kooxda TPLF ayaa hurinta colaada u adeegsanaysa kooxo dabaqoodhi ah oo ay kasameeyeen xuduuda labada Gobol kuwaas oo ay ucarbiyeen in ay qolaba qolada kale kuduulaan dadna kasoo laayaan taas oo dhaqaalaha kubaxaya ay bixinayaan madax kusheegta ugu saraysa ee wadanka.

Sida aan dhowr jeer oo hore idiin sheegnayba kooxda TPLF ayaa kuguulaysatay colaadii ay sameeyeen xuduuda Ogadenia iyo Oromia taas oo hada maraysa meel aan waxba laga qaban karin kuna faaftay dhamaan xuduuda dheer ee labada Wadan waa Ogadenia iyo Oromia e.

Kooxda TPLF ayaa colaadahan uga danleh mashquulin ay mashquulinayaan dadwaynaha kasoo horjeeda xukunkooda xaaraanta kushisan waxayna kooxdu ku dadaalaysaa sidii ay isaga sii jeedin lahayd indhaha shacabka ee kusoo jeeda.

Sikastaba ha ahaatee colaadan cusub ee Oromia iyo Gambella ayaa lasheegayaa in ay durba galaafatay nolosha dad badan oo shacab ah oo udhashay labada qoomiyadood waxaana dhoosha kasii qoslaya kooxda TPLF oo colaadahan dabada kariixaysa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay