Wararka naga soo gaadhaya Gobolka ay colaaduhu kataagan yihiin ee Walqayet ee ay isku haystaan qoomiyadaha Tigree iyo Axmaada ayaa sheegaya in xiisadii ay cirka isku shareertay maalin nimadii shalay oo Jumce ahayd.

Sida warka aan kuhelay xiisada ayaa timid kadib markii uu magaalada soogaadhay gudoomiyaha TPLF ahna madaxwayne kusheegaya Gobolka Tigree Abay Woldu kaas oo lasheegay in uu socdaalkiisa waji gabax badan kala kulmay.

Ilo wareedyo kusugan Gobolka Walqayet ayaa sheegaya in imaatinka Abay Woldu ee Gobolka ay kadhalatay xiisad aad uwayn iyadoo dadwaynuhu ay wadooyinka isugu soobaxeen iyagoo diidan in Abay Woldu uu gudaha magaalada ugalo.

Dadka cadhaysan oo kasoo jeeda qoomiyada Gobolka sheegata ee Axmaarada ayaa joojiyay dhamaan isusocodka magaalada iyagoo kudhawaaqaya erayo kadhan ah Abay Woldu iyo kooxda TPLF ee uu hogaamiyaba.

Gobolka Walqayet ayaa ah Gobol ay labada qoomiyadood ee Axmaarada iyo Tigreeguba sheegtaan kaas oo sanado badanba uu qalalaase kataagnaa waxaana gudaha Gobolka iskaga horyimid dad udhashay labada qoomiyadood oo qolaba qolada kale in ay gobolka dhaafiyaan ay rabaan.

Dhinaca kale taliska wayaanaha iyo ciidamadooda ayaa garab wayn siiya qoomiyada Tigreega ee damacu kaga jiro Gobolka Walqayet waxaase quus galiyay dadwayne aad u cadhaysan oo u dhashay qoomiyada Axmaarada kuwaas oo beeniyay damicii qoomiyada hororka ah ee Tigreega.

Sikastaba ha ahaatee ciidan aad ubadan oo lasocday Abay Woldu ayaa isku dayay in ay gudaha galiyaan Abay Woldu si uu danihiisa usoo dhamaysto waxaase arintaas beeniyay shacabka Xabashida oo siwayn isugu soobaxay kuwaas oo is hortaagay rabitaankii Abay Woldu.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay