Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed oo maalimihii lasoo dhaafay booqasho rasmi ah ku joogay dalka Sucuudi Carabiya ayaa maanta dib ugu soo laabtay  magaaladda Muqdisho, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha iyo waftiga la socday oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee muqdisho waxaa soo dhaweeyay xubno ka tirsan gollayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya.

 Madaxweyne Farmaajo oo sucuudiga ku tegay booqasho saddex maalmood ah, ayaa wuxuu la kulmay boqorka Dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, waxayna ka wadahadleen iskhaashiga labada wadan, iyadoo uu ballanqaaday inuu sucuudigu ay garab istaagi doonaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo, oo sidoo kale kulamo la yeeshay madax sare oo ka tiran dalkaasi, wuxuu sidoo kale booqday Majidka Nabiga (NNKH) ee Madiina  iyo magaaladda Maka, halkaasi oo uu ku  soo cumaraystay.

Gabagabadii, Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya   oo 8dii bishan loo doortay madaxweynaha Soomaaliya,  ayaa safarkiisii u horreeyay wuxuu ku tegay Dalka Boqortooyada Sucuudiga Carabiya oo si meeqaam sare  ah loogu soo dhaweeyay markii u horraysay muddo dheer.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay