Xubnaha Aqlka Sare ee Dalka Soomaaliya, ayaa waxaa ay yeesheen Kal-fadhigoodii-koowaad-kulankiisa- lixaad oo ay ku Ansixiyeen laba Hab-dhowre iyo Shan guddi oo u-shaqeyn doona si ku-meelgaadh ah.

Guddiyadda ay meelmariyeen waxaa ay kala yihiin: Guddiga Amnniga, Guddiga Xeer-Hoosaadka, Guddiga Astaansameynta Golaha Aqalka Sare, Guddiga Maaliyadda iyo Guddiga Shaqosiinta.

Kulankii Aqalka Sare, waxaa soo xaadirtay 37 mudane iyadoona Ajandaha kulanka uu ahaa Magacaabidda Guddiyo si ku-meelgaadh ah u shaqeeya iyo Ansixinta Habdhowrka Golaha, waxaana shir-gudoominayay Cabdi xaashi Cabdullahi oo ah Guddoomiyaha Aqalka sare.

Kulankii Aqalka Sare, ayaa waxaa lagu magacaabay laba Habdhowre oo kala ah, Cabdikaafi Macallin Xasan iyo Xildhibaan Fartuun Cabdullqaadir Faarax.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay