Habeenimadii xalay oo Sabti  ahayd waxaa kulan howleed isuguyimid gudida fulinta ee ururka PAFD kaas oo ay kumidaysan yihiin shan urur oo mucaarad ku ah xukuumada wayaanaha una midowday sidii daaqada looga saari lahaa xukunka macangaga ah ee kooxda TPLF isla markaana xornimo loogaadhsiin lahaa dhulalka ay ururadu udagaalamaan.

Kulanka xalay oo uu shir gudoominayay Hogaanka Arimaha Dibada JWXO isla markaana ah Xoghayaha Arimaha Dibada ee PAFD mudane Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi (Maaday) ayaa kubilowday kala warqaadasho iyo xogwaran kusaabsan wixii qabsoomay intii labada shir udhaxaysay.

Intaas kadib waxaa si toos ah loodhex galay ajandayaashii shirka oo ahaa kuwo aad ucul culus waxaana si mug iyo miisaan leh loo gorfeeyay qodobadii kulanka lakeenay oo ahaa kuwo guud ahaan ururka PAFD.

Waxaa qodobada aadka looga dooday kamid ahaa sidii loo dardar galin lahaa howlaha balaadhan ee uyaala ururka PAFD iyo sidoo looga midho dhalin lahaa ujeedada shacabka mudada dheer kutaamayay in xornimo lagaadhsiiyo deegaanadooda.

Sidoo kale kulanka ayaa siwayn looga wada hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa kacdoonada shacabka iyo dibad baxyada lagu khalkhal galinayo maamulka wayaanaha iyo ciidankooda jaahwareersan ba.

Waxaa sidoo kale qodobadii la gorfeeyay lagana go’aan gaadhay kamid ahaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga shanta urur iyo sidii loo xoojin lahaa weerarada lala beegsanayo ciidamada niyada jabsan ee wayaanaha iyo malayshiyaadka ay usamaysteen gumaadka shacabka lagumaysto ee qoomiyadaha kala duwan.

Waxaa sidoo kale qorsho hufan loosameeyay sidii loosii balaadhin lahaa ururada kumidaysayn PAFD waxaana laysla taabtay sidii qoomiyadaha kale loosoo jiidan lahaa si ay ugu soobiiraan halganka lagu xoraynayo shucuubta kala duwan kuwaas oo ladoonayo in qoomiyad kasta ay hesho xoriyadeeda.

Guntii iyo gunaanadkii kulankii xalay oo ay kasoo qayb galeen madax badan ayaa kusoo dhamaaday is afgaray iyo in laxoojiyo howlaha PAFD waliba si dhakhso ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay